Howlgalka Midowga Afrika AMISOM ee Soomaliya ayaa dalbaday Ciidamo dheeraad ah oo ka qeyb qaata Howlgalka nabad ilaalinta ka socda gudaha Soomaliya iyo sugida amniga goobaha doorashooyinka kadib cagajugleyn kaga timid Xarakada Al-shabaab.
Kadib kulan ay ku yeesheen Magaalada Addis Ababa ee xarunta Dalka Ethopia Madaxda wadamada Ciidamada ay ka joogaan Soomaliya ay ku dalbadeen in Ciidamo dheeraad ah lagu kordhiyo howlgalka Midowga Afrika ee Amisom ee Soomaliya ku sugan.
Kulanka ayaa sidoo kale diirada lagu saaray sidii loogu qeyb qaadan lahaa Sugida amniga goobaha doorashoyinka Soomaliya ka dhacaya, kadib markii dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ay dhawaaan ku hanjabeen in ay weerari doonaan goobaha doorashada Soomaliya ay ka dhacaysa.
“Kulan ay isugu yimaadeen madaxda ciidamada ay ka joogaan Soomaliya oo ka dhacay Magaalada Addis Ababa ee xarunta Dalka Ethopia, ayaa kulanka waxaa diirada lagu saaray sidii loo xaqiijin lahaa amniga goobaha doorashooyinka ay ka dhacaan sanadkaan, iyadoo sidoo kale la kordhinaayo howlgalka lagula dagaalamayo Xarakada Al-shabaab”, ayuu lagu yiri war kasoo baxay Ururka Midowga Afrika.
Howlgalka Midowga Afrika AMISOM ee Soomaliya ayaa sidoo kale dalbaday in la xoojiyo dagaalka lagu jiro Al-shabaab ee ka socda Juba Valley, , Hiraan iyo Xeebaha Woqooyi bari ee Soomaaliya iyo sidii loo tayeyn lahaa Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya si ay ula wareegaan goobaha ay ka baxayaan Cidamada AMISOM.
Soomaliya waxaa ku sugan askar badan oo ka kala socda wadamada Burundi, Djibouti, Ethiopia iyo Kenya.

