Diyaarado Dagaal oo Xaley Duqeyn ka geystay Jubada Dhexe

0

Waxaa xaley weerar qorsheysnaa ay diyarado dagaal ku qaadeen deegaano hoosyimaado magaalada Bu’aale ee xarunta gobolka jubbadda dhexe.

Diyaaradaha ayaa si gaar ah madaafiic ugu garacay deegaan lagu magacaabo Waraha Dhoobley  waxana deegaankaan xarunta bu’aale u jira musaafo gaareyso 45km.

Dhowr kantaal ayaa la xaqiijiyay in diyaarada ay ku dhufteen saldhig la rumeysan yahay in al shabaab ay ku leeyihiin duleedka bu’aale sida idaacadda simba ay u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidamada maamulka jubaland.

Deegaanka duqeynta laga geystay waxaa gaary ciidamo fara badan oo ka tirsan al shabaab lamana ogo qasaaraha garay al shabaab.

Saraakiisha ciidamada maamulka jubaland ayaa waxa ay ka gaabsadeen in ay carabaabaan wadanka laga leyahay diyaaradaha duqeyay xaley deegaanka  waraha dhoobley.

Mudooyinki la soo dhaafay waxaa qeybo badan oo kamid ah gobolka jubbooyinka ka maqnaa isgaarsiinta waxana isgaarsiinta ay dib hawada ugu soo laabatay gelinki danbe ee shaley.

Dowladaha  Mareykan iyo Kenya ayaa waxa ay marar badan weeraro ka fuliyeen deeganada al shabaab ay kaga sugan yihiin gobolada jubbooyinka.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here