Faafaahino ka soo baxayo Dagaalo xaley ka Dhacay Gaalkacyo

0

Waxaa faafaahino dheeraad ay ka soo baxayaan dagaalo ciidamada maamulada galmudug iyo puntland  ku dhexmaray magaalada gaalkacyo ee gobolka mudug.

Dagaalka xaley dhacay ayaa aha mid xoogan waxana jiray madaafiic labada dhinac ay isku weydaarsadeen  gudaha magaalada gaalkacyo.

Maamulada  galmudug iyo puntland ayaa siyaabooyin kala duwan isugu eedeyay  dagaalki xaley ka dhacay magaalad agaalkacyo, lamana ogo qasaaraha soo kala gaaray labada ciidan iyadoona ay jireen madaafiic ay ku dhaceen xaafado kamid ah gaalkacyo.

Waxaa  saakay degan xaalada magaalada gaalkacyo waxana weli magaalada isku horfadhiyo ciidamada kala taabacsan maamulada galmudug iyo puntland.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here