Maamulka Caabudwaaq oo Sheegay in aan Weli Xal Laga Gaarin Dagaalki Dhawaan ka Dhacay Degmadaasi+Dhageyso

0

Gudoomiyaha degmada Caabud-waaq ee Gobalka Galgaduud Muuse Inji oo la hadlay Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho  ayaa Sheegay in uusan jirin wax xal ah oo laga gaaray Dagaal beeleedyada  ku soo laablaabtay Magaaladaas xil maalmihii danbe ay socdeen Dadaalo nabadeed oo lagu dhex-dhexaadinaayo maleeshiyaadka ku dagaalamay Caabudwaaq.

Gudoomiyaha ayaa Sheegay in Ciidamada Amaanka Dagmada ay wadaan Howlgalo looga hortagayo Falalkii soo Cel-celiyey dagaalka u dhexeeya Qabaa’ilka Waqooyiga Gobolka Galgaduud waxa uuna Xusay Degmada in ay joogaan Ciimo ku filan ka Hortaga fal dambiyeedyada dhici kara.

Mudooyinkii degmada Caabud-waaq ee Gobalka Galgaduud waxaa ka dhacayay dagaalo u dhaxeeya qabaa’ilka wada Gobolkaas eedeenta dagaaladaas ayaa loo jeedinayay maamulada Ahlusuna waljameeca iyo Galmudug.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here