Ala Ha U Naxariistee waxaa Xalay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya ku geeriyooday Gudoomiyihii degmada Degmada Buur-hakaba Maxamed Cabdi Maxamed oo mudooyinkii dambe lagu dabiibayay mid kamid ah isbitaalada Muqdisho.
Laba Xidigle Maxamed Ibraahim Cabdule oo ah Taliye ku-xigeenka Ciidamada Booliska Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho u xaqiijiyay geerida Gudoomiyihii degmada Degmada Buur-hakaba Maxamed Cabdi Maxamed oo dhawaan ku dhaawacmay qarax ka dhacay gudaha degmadaas.
Ala Ha U Naxariistee Gudoomiyihii degmada Degmada Buur-hakaba Maxamed Cabdi Maxamed ayaa 15/10/2016 ee sanadkaan ku dhaawacmay Qarax Miino oo lagu aasay meel aanan ka fogeyn hoygiisa oo ku yaala Degmada Buur-hakaba ee Gobolka Baay, waxaa soo gaaray xiligaas dhaawac aad u culus.

