Gudoomiyihii Degmada Buur-hakaba ee Gobolka Baay oo u Geeriyooday Dhaawac Kasoo Gaaray Qarax Miino+Dhageyso

0

Ala Ha U Naxariistee waxaa Xalay Magaalada Muqdisho  ee Caasimada Soomaliya ku geeriyooday Gudoomiyihii degmada Degmada Buur-hakaba Maxamed Cabdi Maxamed  oo mudooyinkii dambe lagu dabiibayay mid kamid ah isbitaalada Muqdisho.

Laba Xidigle Maxamed Ibraahim Cabdule oo ah Taliye ku-xigeenka  Ciidamada Booliska Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho u xaqiijiyay geerida Gudoomiyihii degmada Degmada Buur-hakaba Maxamed Cabdi Maxamed   oo dhawaan ku dhaawacmay qarax ka dhacay gudaha degmadaas.

Ala Ha U Naxariistee  Gudoomiyihii degmada Degmada Buur-hakaba Maxamed Cabdi Maxamed   ayaa  15/10/2016 ee sanadkaan  ku dhaawacmay Qarax Miino oo lagu aasay meel aanan ka fogeyn  hoygiisa oo ku yaala Degmada Buur-hakaba ee Gobolka Baay, waxaa soo gaaray xiligaas dhaawac aad u culus.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here