Wararka Idaacadda Simba ee Magaalad Muqdisho ay ka helayso Suuqa Magaalad Gaalakcyo ayaa sheegaya In Ciidamo kala taabacsan Maamulada Puntland iyo Galmudug Manta barqadii ay isku rasaaseeyeen Suuga magaaldaasi oo ah halka kala qeybisa Woqooyiga iyo Koonfurta Magalada Gaalkacyo oo ay ka kala arimiyaan labada Maamul.
ilo Wareedyo lagu Kalsoonyahay ayaa u Xaqiijiyey Radio Simba in israsaseyntu ay ka dambeysay kadib Markii Ciidamada muddooyinkii dambe ay isku haysteen qaadidda lacagaha canshuurta ee qeyb ka mid ah Suuqa Magaalada Gaalkacyo Waxaana maalmihii dambe xiisadda ka dhalatay arinkaasi lagui waramayaa in ay ka taagneyd Magaalada Gaalkacyo.
ilaa hadda lama sheegin wax qasaaro ah oo ka dhashay tacshiiradda dhaxmartay labada Ciidan balse intii rasaastu socotay ayaa waxaa hakad galay isku Socodka dadweynaha iyo dhammaanba adeeggii guud ee suuqa Gaalkacyo ee maanta lagu dagaalamay.
Ciidamada ayaana goor dambe oo Mantay ah si iskood ah u kala tagay waxaana walwal ka muujiyey arinkaan ganacsatada ku gancsata Suuqa shaqaaqadu ay ka dhacday xiriirro kala duwan oo aan la sameynay masuuliyiinta labada dhinac waa ay inoo suuragaliweysay.
Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa ah laba Maamul oo daris ah waxaan dhawr mar soo laalaabtay dirirta dhaxmarta Ciidamada kala taabacsan labada dhinac si gaar ah Magaalada Gaalkacyo dhawr mar ayey ku dagaalameen Galmudug iyo Puntland.

