Xilli Saaka Ciidamad Midowga Africa gaar ahan kuwa Dowladda Dalka Burundi ee qeybta ka ah howlgalka Amisom ay isaga baxeen Deegaank Fiidoow ee gobolka shabeelaha Dhexe ayaa waxaa arintaasi ka hadlay Maamulka Degmada Mahadaay ee gobnolka shabeelaha Dhexe oo uu hoostago Deegaanka Fiidoow.
Gudoomiye Ku Xigeenka Maamulka Degmada Mahaddaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe oo la hadlay Radio Simba ayaa sheegay in Ciidamda Amisom ee ka baxay Deegaankaasi ay uga baxeen halkaasi sababo la xariiro xeelad Milatari balse waxaa uu sheegay in xilligii ay baxayeen aysan kusoo wargalin Ciidanka Amisom taasi oo uu sheegay in wargalin la’aantu ay keeni karto Qatar dhanka Ammaanka ah.
Masuulkaan ka tirsan Maamulka Degmada Mahaddaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ee la hadlay radio Simba ayaa waxaa uu xaqiijiyey in Ciidamada ay qeyb ay ka tahay go;doomin la saaray ciidankaasi.
Deegaanadii ay baneeyeen Ciidanka Amisom gaar ahaan deegaanka Fiidoow ee Gobolka Shabeelah Dhexe ayaa waxaa lagu waramayaa in ay hadda Deegaankaasi la wareegeen Xarakada Al-shabaab Ciidamo taabacsan Xaaladda Deegaanka fiidoow ayaa ah mid daggan islamarkaana ay Ciidamada Al-shabaab isku fidiyeen dhammaanba Xarumaha Muhiimka ah ee Deegaankaasi.

