Guddoomiyaha Degmada Wadajir Axmed Cabdulle Afrax oo wareysi siiyay idaacadda simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay soo wanaagsanaaneyso xaalada amaan ee Degmada wadajir ee gobolka banaadir.
Gudoomiyaha ayaa waxa uu tilmaamay in ciidamada amaanka ee ka howlgalayo degmadaasi ay aad u feejigan yihiin islamarkaana la soo qabto dadka falalka amaan daro ka geysto Degmada wadajir.
Guddoomiyaha Degmada Wadajir Axmed Cabdulle Afraxayaa sheegay in caiqaab ay la kulmidoonaan dadka qorsheynaya in falal amaanka lid ku ah ka geytaan gudaha degamda ,waxana uu bogaadiyay ciidamada iyo dadka shacabka ee kunool Degmada wadajir.
Axmed Cabdulle Afrax Guddoomiyaha Degmada Wadajir ayaa falki shaley ka dhacay degmadaasi ee lagu dilay nin oday aha waxa uu ku tilmaamay wax lagu xumaado, waxa uuna tilmaamay in gacanta ay ku hayaa shaqsiyaadki falkaasi geystay islamarkaana cadaalada la horgeyndoono.

