Dhageyso:-Heshiiski ay gaareen Gaas iyo C/kariin oo aan Dhaqan geli karin

0

Siyaasiga lagu magacaabo Daahir C/qaadir Muuse Ciiro  oo mar soo noqday xilibaan ka tirsanaa baarlamaanadi dalka soomaray ayaa sheegay in xiligaan uusan dhaqan geli Karin heshiiski ku aadana xal u raadinta Gaalkacyo oo dhawaan wadanka isutaga imaaraadka carabta ay kuwada gaareen madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli maxamed cali gaas iyo  sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

Siyaasiga ayaa sheegay in aysan habooneen in labada mas’uul ay ku heshiiyaan meel ka kabaxsan deeganadooda balse waxa uu tilmaamay in heshiiskaan loo baahnaa in uu ka dhaco Magaalada Gaalkacyo oo ah halka uu dagaalka ka dhacay.

Daahir C/qaadir Muuse Ciiro   ayaa sheegay in madaxweynayaasha maamulada Galmudug iyo puntland aysan wax dan ah u heyn shacaka kunool gobolka mudug islamarkaana ay mudo dheer iska indho tirayeen xal ka gaarida dagaaladi dhawaan ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.

Dhinaca  kale Siyaasiga ayaa carabaabay in dowlada imaaraadka ay labada madaxweynaba dano gaara ka leedahay islamarkaana heshiiska dhawaan la filayo in uu ka dhaco Magaalada kismaayo isagana uusan wax natiijo ah ku soo kordhin Karin xaalada Gaalkacyo.

Daahir ciiro ayaa waxa uu xalka Gaalkacyo ku ifiyay in go’aan ka gaarideeda ay leeyihiin waxgaradka gobolka mudug logana baahan yahay odayaasha in doorkooda nabadeynta ay qaataan.

Siyaasiga ayaa dagaalki ka dhacay shaley waxa uu ku sifeeyay in uu hayay mid sii hurin karo xaalada gaalkacyo islamarkaana in heshiis uusan jirin ay cadeyneyso colaada weli magaalada ka taagan.

Halkan ka Dhageyso wareysiga

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here