Munaasabaddan oo ahayd mid ay ku qalinjabinayeen ardayd dhameysatay Barashada Qur’aanka kariimka ah ayaa ka dhacday Magaalada Muqdisho Gaar ahaan Xaafadda Xamar Bile ee Degmada Warta Nabadda.
Ardayda Qalinjabisay aya ka baxay Dugsiga Xifdinta iyo Barashada Qur’aanka Kariimka ah ee Al-huddaa ee ku yaalla Xaafadda Xamar Bile.
Ardayda Qalinjabisay ayaa tira ahaan gaarayey 17-Arday oo isugu jira gabdho iyo wiilal Waxaana Munaasabadda Qalinjabinta ah kasoo qaybgalay Waalidiin,Culumaa’udiin,Odayaal iyo dad kale oo dhamaantoodba ay ka muuqatay Farxadda iyo Weyneynta barashada Qur’aanka kariimka ah.
Waxaa halkaasi lagasoo jeediyey Qudbado iyo Darsiyo diini ah oo kawada hadlaya Muhiimadda ay leedahay barashada Qur’aanka Kariimka ah.
Halkaan Ka dhageyso War Ku Saabsan Munaasabadda Qalinjabinta ah.

