Diyaarado Dagaal oo Caawa Lagu Arkayo Hawada Degmada Qandala ee Gobolka Bari

0

Wararka ka imaanaya degmada Qandala ee Gobolka Bari ayaa ku waramaya in caawa hawada degmadaas lagu arkayo diyaarado joog hoose ku socda, xili todobaadkii hore ay degmadaas la wareegeen Daacish-ta Soomaliya.

Saciid Maxamed Waaberi, Gudoomiyihii hore ee Degmada Qandala ee Gobolka Bari, haatana ah xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyada ee Maamulka puntland ayaa warbaahinta u sheegay  in diyaarado dagaal   hawada degamadaas ay ku dul wareeganayaam sidoo kalena  maraakiib shisheeye ay ku soo dhawaadeen Xeebta Degmadaasi.

Dadkii ku nool degmada Qandala ee Gobolka Bari ayaa ka baracay  saacadihii aynu soo dhaafnay kadib markii ay ka baqeen in diyaaradaha iyo maraakiibta shisheeya ay duqeyn ka geystaan degmada madaama ay gacanta ku hayaan kooxda Daacish-ta Soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here