Wararka ka imaanaya degmada Qandala ee Gobolka Bari ayaa ku waramaya in caawa hawada degmadaas lagu arkayo diyaarado joog hoose ku socda, xili todobaadkii hore ay degmadaas la wareegeen Daacish-ta Soomaliya.
Saciid Maxamed Waaberi, Gudoomiyihii hore ee Degmada Qandala ee Gobolka Bari, haatana ah xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyada ee Maamulka puntland ayaa warbaahinta u sheegay in diyaarado dagaal hawada degamadaas ay ku dul wareeganayaam sidoo kalena maraakiib shisheeye ay ku soo dhawaadeen Xeebta Degmadaasi.
Dadkii ku nool degmada Qandala ee Gobolka Bari ayaa ka baracay saacadihii aynu soo dhaafnay kadib markii ay ka baqeen in diyaaradaha iyo maraakiibta shisheeya ay duqeyn ka geystaan degmada madaama ay gacanta ku hayaan kooxda Daacish-ta Soomaliya.

