Dowladda Kenya ayaa soo saartay tirada muwaadinta dalkaas ee lagu dilay howlgaladii seddexdii sano aynu soo dhaafnay ee Xarakada Al-shabaab ee ka fuliyeen gudaha dalkaas.
Warbixin ay soo saareen Guddiga Kenya ugu qaabilsan Xuquuqda Aadanaha ee lasoo gaabiyo(KNCHR) ayaa lagu sheegay in seddexdii sano aynu soo dhaafnay howlagaladii Al-shabaab ay ka fuliyeen gudaha dalkaas ay ku dileen 300 oo muwaadiniin kenyaan ah.
Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in dadka ugu badan in lagu dilay deegaanka Kawaale ee dalkaas oo ah meel u dhow xaduudka soomaliya iyo Kenya ay wadaagaan.
Ku-xigeenka Guddoomiyaha Hay’adda KNCHR, George Morara ayaa sheegay inay dilalkaasi geysteen Booliska ama xubnaha Alshabaab ee dib ugu soo laabtay Kenya, waa sida uu hadalka u yiri.
“Waxaan luminay 300 qof o oKenyan saddexdii sanno ee la soo dhaafay, taasi oo ka dhalatay Amaman-xumida. Ma aha War Fiican, iyadoo aan horey ugu socono Doorashadda Kenya ka dhacayso sannadka soo socda” ayuu yiri George Morara.
Si kastaba ha ahaatee, Tiradda Dadka Kenyanka ee la shaaciyey in lagu dilay Hawlgalladda Xarakadda Alshabaab ayaan la ogeyn inay ku jiraan Askartii Kenyanka ee ay xarakada Alshabaab ku dileen gudaha Somalia, tan iyo markii ay Ciiddanka Kenya soo galeen Somalia bishii October 16-dii ee sannadkii 2011-kii.
Dagaalyahanada Alshabaab waxay tiradii ugu badnayd Askarta Kenyanka ku dileen weerarkii ay bishii Janaayo 15-dii ee sannadkaan ku qaadeen Xeradda ay Ciiddanka Kenya ku lahaayeen Deegaanka Ceel-cadde ee Gobalka Gedo e koonfurta dalka Soomaliya.

