Warbixin ay si wadajir ah ay usoo saareen hey’adaha Rugta Ganacsiga Caalamiga ah ee ICC iyo Hey’ada Badaha Caalamiga ah ee IBM ayaa lagu sheegay in ay hoos u dhaceen kiisaaska afduubka badaha caalamiga ah ay hadana ka jiraan xeebaha Galbeedka Africa iyo Koonfur-Bari Asia khatarta afduubka ay geystaan burcad badeeda.
Warbixiniti ugu danbeysay ee lasoo saaray ee ku saabsan weerarada kooxaha burcad badeedka ayaa waxa ay muujineysaa, in burcad badeed ku hubeysan qoryo iyo middiyo ay 110 qof afduubteen 9-ki bilood ee ugu horreeyey ee sanadkaan 2016-ka.
Dalka Soomaaliya ayey warbixintu xustay in wax la xiriira danbiyada burcad badeednimada aysan ka dhicin bilihi ugu horreeyey ee sanadkaan 2016-ka, marka laga reebo hal isku day oo ka dhacay Gacanka Cadmeed intii lagu guda jiray sagaalki bilood ee ugu danbeeyey sanadkaan.
Kooxaha Burcad badeeda Soomalida ayaa sidoo kale la sheegay In ay afduubteen 49 ka mid shaqaalaha maraakiibta isaga kala goosha badaha caalamiga, kuwaas oo ay ka qaateen lacago madax furasho ah, iyadoo dalka Nigeia uu yahay halka ugu daran ee ay sida aadka ah uga dhaceen falalka burcad badeednimada

