Xilli ay isasoo tarayaan Xadgudubyada Lagu eedeynayo in Ciidanka Kenya ay Ka geysanayaan Gudaha dalka gaar ahaan Deegaanada dhaca xuduudka labada dal iyo deegaanada ay kaga suganyihiin dalka ciidanka kenya ayaa waxaa degmada Beledxaawo oo ka mida deegaanada ku yaalla xuduudka labada Dal ee Soomaaliya iyo kenya laga qorsheynayaa Banaanbax sida la sheegay loogasoo horjeedo dhibaatooyinka ciidanka Kenya.
Shacabka Degmada Beledxaawo ayaa sheegaya in ay qaati ka taaganyihiin Dhibaatooyinkaasi ay u geystaan Ciidanka Kenya islamarkaan ay doonayaan in ay dareen ahaan ku muujiyaan dhibaatooyinka
Maalmaha soo socda ayay sheegeen Shacabka baladxaawo in ay sameeynayaan dibad bax ballaaran oo ay kaga soo horjeedaan Ciidanka Kenya kaasi oo ka dhicidoona degmadaasi iyo Deegaanada Kale ee hoosyimaada.
Mid kamid ah dadka ku nool baladxaawo oo la hadlay Warqabadka Radio Simba ayaa sheegay in aysan wixii intaa ka dambeeya u adkaysan Karin dhibaatooyin ay u geystaan Ciidamada Kenya oo uu sheegay in ay kasoo talaabeen Xuduudka hadana ay bilaabeen muwaadiniinta Soomaaliyeed ay ku dhibaateeyaan gudaha Dalkooda taasi oo uu sheegay in ay tahay arin laga xumaado islamarkaana aysan rali ka naqandoonin

