Meydadka Seddex Ruux oo Saakay Lagu Arkay Deegaanka Buufow Bacaad ee Gobolka Shabeelaha Hoose

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in Meydadka Seddex ruux oo si xun loo dilay in saakay aroortii lagu arkay deegaanka Buufow Bacaad ee Gobolkaas.

Dadka deegaanka Buufow Bacaad ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa markuu waagu baryay kadib  waxa ay indhahooda ku arkeen Seddexdaan  ruux ee meydadka ah ee sida xun loo dilay ee lasoo dhigay gudaha deegaankaas.

Wariyaha Gobolka Shabeelaha Hoose ee idaacadda Simba Cumar Wardoon oo goordhaweyd aynu la xiriirnay ayaa inoo sheegay in dadkaan loo malaynaayo in loo dilay anooyin qabiil, islamarkaana uusan jirin wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka deegaanka Buufow Bacaad ee Gobolkaas.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here