Galmudug oo Cadaado kusoo Bandhigtay Haweeney Kenyan ah oo Laga Soo Badbaadiyay Kooxo Burcad Badeed ah+Sawirro

0

Maamulka Galmudug ayaa Magaalada Cadaado ee Caasimada Kmg-ga ee MaamulkaAs waxa uu kusoo bandhigay haweeney Kenyan ah oo xalay ciidamada Nabad sugiddu  qaranka Soomaaliya ay  hawlgal  qorshaysan ay ku fuliyeen deegaanka Camaara ee Gobolka Mudug ay ku soo badbaadiyeen.

Loise  Njoki Weru oo ah haweeney Kenyan ah oo muddo 2-sano u qafaalneed koox burcad badeed ah ayaa maanta waxaa maamulka Galmudug uu ku soo bandhigay magaalada Cadaado ee Caasimada Kmg-ga ee Maamulkaas.

Madaxwayne ku xigeenka Dowlada Goboleedka Galmudug Mudane Maxamed Xaashi Cabdi ayaa haweeneydaan kenyaan-ka  oo ay ka muuqato duruuf nololeed ku soo dhaweeyay xafiiskiisa Magaalada Cadaado.

Loise  Weru  ayaa sheegtay in kooxda ay u qafaalneed ay ula dhaqmayeen si naxariis dara ah, oo xitaa aysan helin biyo ay cabto xilliyada qaar, balse maanta ay ku faraxsantahay in la soo badbaadiyay Ciidamada Nabada Sugida Soomaliya.

“Waxaan 2 sano u qafaalnaa dad aan nariis lahayn, xalay ayaa ciidamadu i soo badbaadiyeen, waxaan hadda la joogaa madaxwayne ku xigeenka Galmudug oo ka qayb qaatay soo dayntayda, waxaan dhihi karaa ma fududayn, waana nabad qabaa hadda, waxaan ahay xor. waxaan la joogaa Galmudug” ayay tiri Loise oo kenyaan ah.

20161030_132050 20161030_134738 20161030_134740 20161030_134741

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here