Ciidamada Xarakada Al-shabaab oo saakay dagaal qorshaysan ku qaaday deegaanka Goofgaduud oo ka tirsan Gobolka Baay waxaa u suurta gashay in deegaanka ay kala wareegaaan Ciidamada maamulka koonfur Galbeed Soomaliya iyo kuwa dowladda Soomaliya oo mudooyinkii dambe halkaas ku sugnaa.
Dagaalkaan ayaa yimid, kadib markii ciidamada Shabaabka ay dhowr jiho ka weerareen deegaanka Goofgaduud oo ka tirsan Gobolka Baay, taasi oo keentay ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed ay ka baxaan deegaankaas.
Waxaa la xaqiijiyay in qasaaro dhimasho iyo dhaawac iskugu jira uu soo gaaray Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya iyo kuwa Xarakada Al-shabaab ee weerar ku qaaday deegaanka.
Xaalada deegaanka Goofgaduud oo ka tirsan Gobolka Baay ayaa haatan dagan waxaa lasoo sheegayaa in Labadii ciidan ee halkaas ku dagaalamay saakay in ay ka baxeen deegaanka, Ciidamadii Dowlada Soomaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed, ayaa waxa ay ku sugan yihiin duleedka Deegaanka Goofgaduud.

