Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in dhawaan Waddooyinka qaar ay xiri doonaan inta lagu jiro doorashada ka dhaceyso Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya .
Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Bishaar Abhsir Geeddi ayaa ku wargaliyay dhamaanba shacabka ku nool Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya in ay ogaadaan in dhawaan wadooyinka qaar ee Magaalada muqdisho in la xiri doono dib loo furi doono marka ay dhamaato doorashada Muqdisho.
Ciidamada Booliska ayaa hada wada diyaargarowga ku aadan arimaha suggida ammaanka Doorashada oo meelaha qaar ee Muqdisho waxaa laga dhisay Xarumo ciidan cusub oo u qaab eeg difaacyada ciidanka furumaha u yaal oo kale.
“Arimaha Doorashooyinka, guud ahaan dalka gaar ahaan dadka ku nool Magaalada Muqdisho, waxaan ugu baaqayaa inay nagala shaqeeyaan arimaha amniga iyo sida Doorashooyinka ku hirgeli lahaayeen, gaar ahaan waxaan ugu baaqeynaa inay noo samraan, samirka ayaa wax kasta ka weyn, sababta waxa ay tahay waxaa dhici karta jidad gaar ah oo amniga doorashooyinka lagu sugaayo inaan u baahano inaan xirno,” Ayuu yiri Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Banaadir Bishaar Abhsir Geeddi.

