Deg:Deg: Dhageyso:-Dab Qasaare Hantiyadeed Geystay oo ka Kacay Degmada Yaaqshiid.

0

Wararka Ka Imaanaya Degmada Yaaqshiid Gaar ahaan Xaafadda Suuq-bacaad ayaa kusoo Waramaya in Waabarigii Saaka halkaasi uu ka kacay dab dhaliyey qasaare Hantiyadeed.

Dabka ayaa lagu Waramayaa inuu ka kacay gurti sida la sheegay ka agdhawaa goob uu ku yaalay Ceelbiyood wallow aan si dhab ah loo xaqiijin waxa sababay kicidda dabka.

Goobta uu dabku ka kacay ayaa bwaxaa lagu waramayaa in ay gaareen Xubno ka Socda Maamulka Gobolka Banaadir ee Dowladda Soomaaliya oo uu hor kacayey Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Banaadir Cali Xirsi Barre Cali Gaab.

Cali Gaab oo isagoo ku Sugan Goobta dabku ka kacay la hadlay Radio Simba ayaa xaqiijiyey in dabku geystay Qasaare hantiyadeed Wali ka Maamul ahaan ay Wadaan Gurmadka Lagu daminaayo dabka ka kacay Waabarigii Saaka Gudaha Degmad Yaaqshiid ee Gobolkan banaadir.

Wariyayaal Ka Tirsan Radio Simba oo tagay goobta dabku ka kacay ayaa sheegay in aysan jirin wax qasaaro nafeed ah balse dabka uu ku basbeelay guriga gubtay iyo wixii alaab iyo hanta ahaa eek u jiray.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here