Ururka CPJ:- Soomaaliya Waxaa Lagu Dilay 24 Wariye Tan iyo Sanadkii  2006-dii

0

Warbixin uu soo saaray Ururka u dhaqdhaqaaqa difaaca Suxufiyiinta Caalamka ee (CPJ) ayaa lagu  sheegay in Wadamada Soomaliya, South afrika, iyo Nageria ay kaalimaha sare kasoo galeen  wadamada lagu dilo suxufiyiinta.

Soomaliya ayaa la sheegay in lagu dilay 24 wariye oo keli ah, shan South Sudan iyo shan Nigeria tan iyo sanadkii 2006, waxaana wadamadaan lagu eedeeyay in aysan waxba ka qabanin dilalka loo geysto suxufiiyinta.

Dagaalyanada Xarakada Al-shabaab iyo Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa si gaar ah loogu eedeeyay in ay dhibaateeyaan suxufiyiinta Soomaliyeed ee ka howlgala gudaha dalka Soomaliya, tani ayaa ka dhigaysa in soomaliya ay qeyb  ka tahay wadamada ugu badan ee lagu dhibaateeyo suxufiiyin Soomaliyeed.

South Sudan ayaa kaalinta 5 gashay, Nigeria kaalinta 12-aad. South Sudan, ayaa shan suxufi la weeraray bishii January ee sanadkii 2015-kii “kuwa oo la toogtay, baangadana lala dhacay ka dibna dab lagu shiday weerar gaadmo ah gobolka galbeed ee Bahr al Ghazal.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here