Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa walaac ka muujiyey dalalka South Africa, Burundi iyo Gambia oo doonaya inay ka baxaan Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ICC ee fadhigeeda uu yahay Magaalada Hague ee dalka Holland.
Mr Ban Ki-moon Xoghayaha Guud ee qaramada Midoobay ayaa ku tilmaamay in ay tallabadaasi u “diri karto caalamka oo dhan fariin qaldan go’anada iyo dadaalka caddaaladda.”
Wadamada South Africa iyo Burundi ayaa si rasmi ah u ogeysiiyay Qaramada Midoobay doonistooda ku aadan in ay ka baxaan Rome Statute , ee heshiiskii 1998 ee lagu hirgalinaayay maxkamadda The Hague ku salaysan, taas oo qaadan doonta saamaynteeda ilaa bisha October 2017-ka.
Gambia ayaa usbuucan sheegay in ay sidoo kale qorshaynaysa in ay ka baxaan maxkamadda, Caalamiga ah ee Dambiyada ICC oo fadhigeeda uu yahay Magaalada Hague ee dalka Holland. laakiin aan weli u sheegin Qaramada Midoobay.
Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah, oo la furay bishii July 2002, islamarkaana ay xubin ka yihiin 124 dowladood ayaa ah gudigii ugu horeyay ee si sharci ah u leh awood caalami ah oo ay ku maxkamadeyaan xasuuqa, dambiyada ka dhanka ah aadanaha iyo dambiyada dagaal.

