Guddomiyihii Shabeelaha Hoose oo Xilkii laga qaaday iyo Guddoomiye Cusub oo la Magacaabay.

0

Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya Shariif xasan Sh.Aadan ayaa Xil ka qaadis ku sameeyey Guddoomiyihii Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siiddii oo Muddo Soo ahaa Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha hoose.

Madaxweynaha ayaa Waxaa uu gudoomiyaha Xilka uga Qaaday Munaasabad Maanta Ka dhacday gudaha Degmada Afgooye ee Gobolka Sha/hoose.

Shariif Xasan Sh.Aadan Madaxweynaha Koonfurgalbeed ayaa sidoo kale waxaa uu isla Munaasabaddaasi uu ku Magacaabay Guddoomiyaha Cusub ee lagu badalay C/qaadir Siiddii guddoomiyihii gobolka Shabeelaha Hoose waxaana uu u magacaabay Ibraahim Aadan Cali.

Gudoomiyihii Xilka Laga qaaday iyo Kan lamagacaabay ayaa dhammaantoodba waxaa ay ku sugnaayeen Degmada Afgooye oo Munaasabaddu ka dhacday.

C/qaadir Maxamed Nuur Siiddii ayaa Waxaa Gobolka Shabeelaha Hoose uu Guddoomiye ka ahaa Muddo Sannado ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here