Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa Magacaabay Guddi soo qiimeeya qasaarihii ka dhashtay duufaanadii ku dhuftay Gobolada Maamulka Puntland,
Duufaanada ku dhuftay deeganada Maamulka Puntland ayaa khasaare xoogan ugeysatay kumanaan qoys oo ku nool deegaanada kuyaala xeebaha bari ee Maamulka Puntland,
Maamulka Puntland ayaa dhanka kale Baaq u jeediyay Hay’adaha Samafalka ee ka Howlgala deeganada Maamulka Puntland isagoona ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan u Gurmashada dadka ay saameysay duufaanada.


