Ciidamada Ethopia oo Saakay ka Baxaya Degmada Tiyogow ee Gobolka Bakool iyo Barakac Socda+Dhageyso

0

Wararka ka imaanaya degmada Tiyogow ee Gobolka Bakool ayaa ku waramaya in Cidamada Ethopia ee qeybta ka ah howlgalka Amisom ay wadaan qorshihii ugu dambeeyay ee kaga baxayaan degmadaas.

Taliyaha Ciidamada Malatariga Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Cabdi Ibraahim Taakow oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamada malatariga Ethopia  ay wadaan qorshihii ugu dambeeyay ay kaga baxayana degmada tiyoglow ee Gobolka Bakool islarmarkaana  dhankoooda ay isku diyaarinayaan sidii ay ula wareegi lahaayeen saldhigyada ay ka baxayaan.

Cabdi Ibraahim Taakow waxa uu beeniyay wararka sheegaya in ciidamada Dowladda Soomaliya iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ay dhankooda ka baxayaan degmada Tiyogow ee Gobolka Bakool wuxuu carabka ku adkeeyay in ay ka difaaci doonaan degmada dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab oo loogu bartay in ay la wareegaan goobaha ay ka baxayaan ciidamada Ethopia.

Dhanka kale dadkii ku nolaa degmada Tiyogow ee Gobolka Bakool ayaa bilaababay in ay halkaas ka barakacaan cabsi ay ka qabaan waxyeelo kasoo gaarta hadii ay dagaalamaan Ciidamada dowladda Soomaliya  iyo kuwa Al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here