Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka oo Sheegay in ay Dhex dhexaad ka Yihiin Musharaxiinta+Dhageyso

0

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Soomaaliya Ibraahin Iidle Saleebaan oo dalka Cumaan sanadkaan kaga qeyb galaya  Shirka guddoomiyayaasha maxkamadaha sare ee dawladaha Carabta ayaa sheegay in hay’adaha garsoorku ay dhex dhexaad ka yihiin musharaxiinta tartamaya, ayna bannaanka ka jooggaan loolanka xiligaan socda.

“Hay’adda Garsoorka kaalinta ay ku leedahay doorashooyinka dalka ka dhacaya sanadkaan waxa  weeyaan in ay xaliyaan waxyaalaha qilaafka keena, iyadoo loo maraayo sharciga, waxaan xiriir la sameenay guddiga doorashooyinka heer federal oo aan ku wargalinay in ay nala  socod siiyaan arrimaha doorashooyinka iyo halka la maraayo si markii sharciga la isla yimaado loo xaliyo qilaafka”, ayuu yiri Gudoomiye Ibraahin Iidle Saleebaan.

Qaar kamid ah Musharixiinta Madaxtinimada Soomaliya u tartamaya ayaa ku eedeeyay Hay’adaha garsoorka dalka in ay qeyb ka yihiin loolanka doorashada islamarkaana ay garab taagan yihiin mas’uuliyiin doonaya in ay dib ugu soo laabtaan xukunka dalka.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here