Siminaar ku saabsan hiigsiga Sannadda 2016 oo Maanta Xubno ka Socda Maamul-goboleedyada Dalka uga furmay Magaalada Baydhaba.

0

Magaalada Baydhaba ee xarunta Gobolka Baay ayaa maanta waxaa siminaar lagu baranayo hanaanka doorashada 2016 uu uga furmay Xubno ka kala socda Maamul goboleedyada dalka ka jira.

Siminaarkan oo ay soo qabanqaabisay hay’adda IISA ayaa waxaa kasoo qaybgalay Masuuliyiin ka kala socda Maamul goboleedyada Dalka Kajira islamarkaana ay goobjoog ka yihiin Wakiillo ka socda Beesha Caalamka ayaanta Lagu qabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Seminaarkan oo Soconaya hal Maalin ayaa lagu baranayaa casharo ku saabsan Hiigsiga Sannadda 2016 iyo Qaabka waqtigaa Soomaaliya ay Doorasho uga dhici lahayd.

Maamul goboleedyada ka qaybgalay ayaa Waxaa ka mida Puntland,Koonfur-galbeed Galmudug iyo Jubbaland iyo qaar ka mida Odayaal dhaqameedyo laga kala keenay gobolada dalka iyo waliba madax kasocata Ururada bulshada Rayidka ah.

Suldaan Shariif Cali Xasan oo kamida Waxgaradka Ka qaybgalay Siminaarkaasi oo la hadlay Radio Simba ayaa Faahfaahin Ka Bixinaya sida uu qabsoomay Siminaarka iyo Waxa uu yahay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here