Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamda Qalabka Sida ee dowladda Soomaaliya ayaa Xukunno kala duwan ku ridday askar iyo dad kale oo lagusoo eedeeyey dambiyo kala duwan.
Xukunada Maxkamaddu ay ridday ayaa waxaa ka mida askar ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo lagu eedeeyey in ay geysteen dilal ay u geysteen dad rayid ah.
Eedeysanaha koowaad oo lagu magacaabo Isxaaq maxamed Xaashi ayaa la sheegay inuu dil ugu geystay Deegaanka Buula-mareer ee gobolka shabeelaha hoose ruux rayid ah Waxaana askarigaasi lagu xukumay dil toogasho ah.
Eedeysanaha Labaad oo lagu Magacaabo Muxudiin Maxamed Calasoow oo isna Degmada Wadajir Ku dilay ruux rayid ah ayaa waxaa ay maxkamaddu ay ku xukuntay dil toogasho ah
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa Manta Sidoo kale sii daysay dad lasoo eedeeyey oo lagu waayey dambigii lagusoo eedeeyey.
Xasan Cali Shuute oo ka mid ah Saraakiisha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa Warbaahinta u aqriyey Xukunka maxkamaddu ay ridday.
Halkaan Ka dhageyso.

