Madaxweyne Gaas oo Amar ku Bixiyay in aan La Furi Karin Kalfadhiga 38-aad ee Golaha Wakiilada Puntland

0

Madaxweynaha Maamul Gobaleedka Puntland ayaa Amar Culus ku Bixiyey in aan la Daah Furi Karin Kalfadhiga 38-aad ee Golaha Wakiilada Maamulkaas oo maanta Xildhibaanada Baraalamanka ay u Madalnaayeen in uu ka Furmo Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobalka Nugaal.

Madaxweyne Gaas ayaa la filayey in uu si rasmi ah uu u daah furo Kalfadhiga Baarlaamaanka maanta oo taariikhdu ay tahay 25-October 2016 balse Madaxweyne C/wali ayaa ku amray Gudoomiyaha Baarlaamanka Puntland iyo Madaxweyne ku Xigeenka Ahna Ku Simaha Madaxweynaha Eng C/xakiim Cabulaahi Xaaji Cumar Camey inaysan Furi Karin Kalfadhigaa Baarlaamanka ilaa uu ka soo Afjarayo Socdaal Shaqo oo uu ku jooga Magaalada Boosaaso Halkaas oo uu ujoogo Sidii xal looga gaari lahaa Khilaaf Maamulkiisa kala Dhexeeya Odayaal iyo Siyaasiyiin ka Soo jeeda Gobalka Bari oo uu Hogaaminayo Siyaasiga C/samad Gallan.

Is Hor istaaga Madaxweye C/wali Maxamed  Cali Gaas uu Ku sameeyey Furitaan Kalfadhiga 38-aad ayaa loo sababeeyay in madaxweyne uu ka marmeerayo su’aalo ay doonayaan in ay weydiiyaan qaar kamid ah xildhibaano ka tirsan baarlamanka Maamulkaas.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here