Qasaaraha ka Dhashay Weerarkii Xalay Lagu Qaaday Magaalada Mandera oo Sara u Kacay

0

12-qof ayaa la sheegay in lagu dilay Qaraxyadaan iyo weerarkaan lagu qaaday i xalay sqdii dhexe xili saacadu ay ku beegneed 3:30am hotel yar oo ku yaala magaalda Mandera.

Qaybo ka mid ah dhismaha weerarka lagu qaaday ayaa la sheegay in uu ku soo dumay 33 qof oo halkaas ku sugnaa sida uu sheegay afhayeen dawlada u hadlay oo lagu magacaabo Eric Kiraithe.

Mr Kiraithe ayaa sheegay in ciidamada dawladu ay islamarkiiba goobta gaareen islamarkaana ay ka soo badbaadiyeen tiro dad ah asagoo sheegay in weli socdaan baaritaan ku saabsan weeraradaas.

Dawlada Kenya ayaa waxa ay sheegtay in sirdoonkeedu ay ka warhayeen weeraradaas sida uu sheegay Afhayeenka dawlada u hadlay.

Weeraradaas ayaa la sheegay in lagu tuhunsanyahay in ay fuliyeen rag hubaysan oo ka tirsan  xarakada Al shabaab.

Dhanka kale Xarakada al shabaab ayaa sheegatay weerarkaas,waxaana ay sheegeen in ay qaadeen ciidamo ka tirsan Al shabaab islamarkaana ay ku qaadeen dhisme ku yaala magaalada Mandera ee Gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya halkaas oo ay ku dileen tiro dad ah.

Nishii October 5-teeda, ayay ahayd markii rag katirsan xarakada al shabaab ay ka fuliyeen weerar noocaan oo kala ah   magaalad Mandera ay ku dileen 6 qof.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here