Wasiirka Arimaha Dibada Maamulka Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ee Caasimada Maamulkaas ayaa sheegay in Ergay gaar ah oo Qaramada Midoobay u qaabilsan ay u magacaabayaan UN-ka.
Dr Sacad Cali Shire, Wasiirka Arimaha Dibada Maamulka Somaliland ayaa sheegay Ergaygaan ay magacabaayaan inuu noqon doono mid ka shaqeeya Ictiraaf raadinta Somaliland, kaasi oo si joogto ah ugu sugnaan doona Xarunta Qaramada Midoobay ee New York ee dalka Mareykanka.
Sidoo kale Wasiirka Arimaha Dibada Maamulka Somaliland Dr. Sacad Cali Shire sheegay Somaliland inay ergay gaar ah u magacawday dhawaan Midowga Afrika, kaasi oo dhankiisa ka shaqeyn doona ictiraaf raadinta Maamulka Somaliland.
Somali-land ayaa shaacisay in soomaliya inteeda ay ka go’aday sanadkii 1991, balse ilaa hada ma aysan helin ictiraaf rasmi ah oo ku aadan inay tahay dal madax banana, iskastoo dhowr jeer ooh ore ay sameeyeen isku dayayo.

