Afhayeenka Madaxtooyada Galmudug C/llaahi Xaashi Faarax ”Roobda’ay oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay qaraal lagu baahiyay baraha bulshada oo ku aadanaa in xil ka qaadis lagu sameeyay Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Maamulkaas Mudane Axmed Dubad Cali.
Mudane C/llaahi Xaashi Faarax ”Roobda’ay ayaa wararkaas ku tilmaamay kuwa ay qoreen dad kasoo horjeeda jiritaanka Maamulka Galmudug, islamarkaana aysan warqad kasoo baxin Xafiiska Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guulleed.
Wareegtada la sheegay in ay kasoo baxday Galmudug ayaa sidaan u qorneed


