Wasiiru Dowlihii Wasaarada Qorsheynta Maamulka Galmudug C/raxmaan Maxamed Cismaan ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii uu ka hayay maamulka Galmudug.
C/raxmaan Maxamed Cismaan Wasiiru Dowlaha Wasaarada Qorsheynta Maamulka Galmudug ayaa ku sababeeyay sababaha uu xilka iskaga casilay in ay tahay Maamulka Galmudug shaqsiyaad ay isku koobeen.
Hadal uu Saxaafadda ku siiyay Magaalada Cadaado, ee Caasimada kmg-ka ee Maamulka Galmudug ayaa Wasiirkaan wuxuu sheegay in shaqada Galmudug ay tahay mid aanan horay u socod laheyn.
“Awoodda dowladda shaqsiyaad ayay gacanta ugu jirtaa sidaa daraadeed ma siin shaqeyn karo maanta ayaana iscasilaaddayda gudbiyay maxaa yeelay dhowr jeer baa dulqaadanayay oo islahaa wax baa isbedali doona hase yeeshee ma aynaan dhicin” ayuu yiri wasiiru dowlaha maanta Cadaado iska casilay.
Saakay ayay aheyd markii Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Bay’adda Dhirta iyo Daaqa ee Dowlad Gobaledka Galmudug, Abdi Fatah Mohamud Ahmed uu ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkaas.

