Wararkii Ugu Dambeeyay Caleema-saarka Madaxweynaha  iyo Madaxweyne ku-xigeenkii Hir-shabeelle

0

Diyaar garowgii ugu dambeeyay ee Caleema-saarka Madaxweynaha  iyo Madaxweyne ku-xigeenkii  Maamulka Hir-shabeelle ayaa haatan laga dareemayaa Magaalada jowhar ee Caasimada Maamulkaas.

Munaasabada oo lagu waday inay caawa dhacdo ayaa lasoo hormariyay, kaddib markii saaka ay inta badan magaalada Jowhar ee Caasimada maamulka Hir-shabeelle ay  gaareen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafuud kala duwan oo isugu jira Wasiiro, Madaxweynayaasha maamulada Galmudug iyo Koofur Galbeed, Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland.

Sidoo kale munaasabada Caleema-saarka  Madaxweynaha  iyo Madaxweyne ku-xigeenkii  Maamulka Hir-shabeelle  waxaa ka qeyb galaya Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Michaeal Keating, Danjiraha Jaamacadda Carabta, Safiirka Shiinaha, Midowga Afrika iyo madaxda Urur Goboleedka IGAD.

Amaanka Magaalada Jowhar ee Caasimada Maamulka Hir-shabeelle ayaa si weyn loo adkeeyay Ciidamo ka Tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaliya ayaa lagu arkayaa Gudaha Magaalada jowhar.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here