Kooxda Sampdoria ayaa ku dhawaaqday in ay shaqada kooxda ka caraysay macalinkeeda Walter Zenga.
55-jirkaan ayaa labo sano ku qaatay kooxda Samp wuxuuna shaqada ka badalay bishii aynu soo dhaafnay ee June macalinkii ku biiray ac Milan ninka reer Serbia ee Sinisa Mihajlovic.
Sampdoria ayaa xili ciyaareedkii aynu soo dhaafnay ku dhamaysatay kaalinta 7-aad xili ciyaareedkaan waxa ay kooxda fadhisaa kaalinta 10-aad kadib 12-kulan ay ciyaartay

