Waxaa Magaalada Gaalkacyo oo labadii Maalin ee lasoo dhaafay xaaladeedu ay ahayd mid iska degen balse xiligan waxaa laga maqlayaa magaalada dhawaqa hubka waa weyn kaas oo ay is waydaarsanayaan maamulada Puntland iyo Galmudug.
Madaafiic iyo qoryaha ay saaranyihiin gadiidka dagaalka Dhawaqa ayaa laga maqlayaa gudaha magaalada Gaalkacyo .
Lama ogo khasaaraha ka dhashay hubka waa weyn ee ay isku ridayaan ciidamada Galmudug iyo Puntland.
Dagaalkaan goos gooska ee u badan hubka waa weyn oo ay dhinacyada isku ridayaan ayaa kusoo aadaya iyadoo maalintii shalay ay warbaahinta la hadleen qaar kamid ah wasiirada labada maamul ayna sheegeen in laysku fahmi waa waayey habka wada xaajoodka arinta Gaalkacyo .

