Dagaalo Goos Goos ah oo Maanta Dib kaga Qarxay Magaalada Gaalkacyo

0

Waxaa Magaalada Gaalkacyo oo labadii Maalin ee lasoo dhaafay xaaladeedu ay ahayd mid iska degen balse xiligan waxaa laga maqlayaa magaalada dhawaqa  hubka waa weyn kaas oo ay is waydaarsanayaan maamulada Puntland iyo Galmudug.

Madaafiic iyo qoryaha ay saaranyihiin gadiidka dagaalka Dhawaqa ayaa laga maqlayaa gudaha magaalada Gaalkacyo .

Lama ogo khasaaraha ka dhashay  hubka waa weyn ee ay isku ridayaan ciidamada Galmudug iyo Puntland.

Dagaalkaan goos gooska ee u badan hubka waa weyn oo ay dhinacyada isku ridayaan  ayaa kusoo aadaya iyadoo maalintii shalay ay warbaahinta la hadleen qaar kamid ah wasiirada labada maamul ayna sheegeen in laysku fahmi waa waayey habka wada xaajoodka arinta Gaalkacyo .

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here