Maxkamad ku Taala Kenya oo 10 sano oo Xabsi ah ku Riday Nin Lagu Eedeyay in uu Usoo Safray Somalia

0

Maxkamad ku taala magaalda Mandera ayaa 10 sano oo xabsi ah ku xukuntay nin lagu eedeeyay in uu ugu soo socdaalay Somalia si sharcidaro ah.

Simon Karuga Gitau oo 32 jir ah islamarkaana kasoo jeeda degmada Kirinyaga ayaa lagu soo oogday dacwad ku aadan in uu usoo socdaalay dalka Somaliya asaga oo aan marin hanaan waafaqsan sharciga socdaalka ee dalkaas iyo in uu ku luglahaa falal Argagaxiso.

Gitau ayaa bishii September 1-keeda 2016 laga qabtay gudaha Somaliya gaar ahaan meel u dhow xuduuda waxaana lagu wereejiyay booliska dalka Kenya, balse waxaa uu kasoo horjeestay eedaymaha lagu soo oogay waxaana uu  bishii  August 3-keeda,uu u tegay Mandera si uu shaqo foondinimo uga helo halkaas.

Waxaana uu intaas ku daray in mudo 3 maalin ah hotel yar oo halkaas ku yaala uu ku degana Sh200, kadibna ay ku adkaatay in uu sii bixiyay lacagtaas sidaasna uu ugu soo talaabay Somalia si uu uga helo hoy ka jaban lacagtaas.

Dhanka kale xeer ilaaliyaha maxkamad ayaa sheegay in dooda eedeysanaha ay tahay mid waxba kama jiraan ah oo uu doonayo in uu ku qariyo dambiyaad loo haysto  islamarkaana lala socday dhaqdhaqaayadiisa illaa iyo August 31, 2016 sababta uu ugu safray somaliyana ay ahayd in uu ku biiro Al shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here