Gudoomiyaha cusub ee Baarlamanka Maamulka Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa ugu baaqay dhamaan dadka reer Puntland in ay u Istaagaan sidii ay ugu qeyb qaadan lahaayeen caawinta dadka ay saameysay duufaanta MEG oo dhawaan ku dhufatay xeebaha bari ee Puntland.
Axmed Cali Xaashi Gudoomiyaha cusub ee Baarlamanka Maamulka Puntland ayaa Tilmaamay in Maamulka Puntland uu dhankiisa diyaar u yahay u gurmashada dadka ay waxyeelaysay duufaanta MEG.
Dhanka kale Mudane Axmed Cali Xaashi ayaa ugu baaqay dhamaan Hay’ada Gargaarka bixiya iyo beesha caalamka in ay gargaar lasoo gaaraan dadka ay saameysay duufaanta MEG.
Deeganada Maamulka Puntland waxaan dhawaan saameen ku yeelatay duufaanta MEG

