Wararka ka imaanaya Magaalada Hargeysa ee caasimada Somali-land ayaa sheegaya in Mudane Muuse Biixi Cabdi in uu ku guuleystay Musharaxa Madaxweynaha xisbiga Kulmiye kadib doorasho Maanta ka dhacday Magaalada Hargeysa.
Shirka waxaa qudbad dhinacyo badan Taabaneysa ka jeediyay Madaxweynaha Maamulka Somali-land axmed Maxamed Maxamuud siilaanyo isagoona sheegay in uu ka tanasulay musharaxnimadii xilka Madaxweynaha Maamulka Somali-land
Xisbiga Kulmiye ayaa ugu dambeyn u doortay Mudane Muuse Biixi Cabdi in uu noqdo Musharaxa madaxweynaha xisbiga Kulmiye
Dhanka kale xisbiga Kulmiye ayaa u doortay C.raxmaan Saylici in uu Noqdo musharaxa Madaxweyne ku xigeenka xisbiga Kulmiye.

