Waqtiga ay Dhacayso Doorashada Xubnaha Aqalka Sare Ee Koonfur Galbeed oo La Shaaciyay+Dhageyso

0

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa shaaciyay waqtiga  ay qabanayaan Doorashada Musharaxiinta xubnaha aqalka sare u matali doona deeganada Maamulkaas.

Guddoomiyha Guddiga doorashada Dadban ee Maamulka Koonfur Galbeed Sayid Cali Baafo, oo warbaahinta  kula hadlay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay ayaa sheegay in maanta oo talaado ah Xildhibaannada doonaya aqalka sare ay jeediyaan khudbadahooda, islamarkaana ay buuxiyaan shuruudaha lag rabo.

Maalmaha Arbacada iyo khamiista ee Berri iyo Saadambe ah ayuu sheegay Gudoomiye  Sayid Cali Baafo  in ay doorashada xubnaha aqalka sare ka dhaceyso Magaalada Baydhaba oo hadda xarun ku meel gaar ah u ah maamulka Koofur Galbeed.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here