Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa shaaciyay waqtiga ay qabanayaan Doorashada Musharaxiinta xubnaha aqalka sare u matali doona deeganada Maamulkaas.
Guddoomiyha Guddiga doorashada Dadban ee Maamulka Koonfur Galbeed Sayid Cali Baafo, oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay ayaa sheegay in maanta oo talaado ah Xildhibaannada doonaya aqalka sare ay jeediyaan khudbadahooda, islamarkaana ay buuxiyaan shuruudaha lag rabo.
Maalmaha Arbacada iyo khamiista ee Berri iyo Saadambe ah ayuu sheegay Gudoomiye Sayid Cali Baafo in ay doorashada xubnaha aqalka sare ka dhaceyso Magaalada Baydhaba oo hadda xarun ku meel gaar ah u ah maamulka Koofur Galbeed.

