Baarlamanka Dalka Masar oo Ansixiyay Sharci Talaabo Looga Qaadayo Dadka Wax Tahriibiya

0

Baarlamanka dalka Masar ayaa meel mariyay sharci talaabo looga qaadayo dadka wax tahriibiya iyadoo oo ay sii badanayaan tirada muhaajiriinta ku socdaalaya badda Mediterraneanka si ay ugu gaaraan wadama yurub iskastoo ay la kulmaan dhibaatooyin fara badan.

Sharciga oo ay ansaxiyeen shalay baarlamaanka dalka Masar waa talaabada ugu horeysa ee rasmi ah ee  ay qaadaan dalalka ugu waa weyn Carabta ee xagga horumarinta istaraatijiyad la dagaalanka Tahriibka.

Doon ay saarnaayeen 450 qof ayaa ku degtey xeebaha Masar bishii la soo dhaafay, ugu yaraan 202 meydadka ayaa markii danbe laga soo saaray Badda iyo 169 qof oo lasoo badbaadiyay.

Qaar ka mid ah 320- soo galootiga iyo qaxootiga ayaa ku dhamaadeen jasiiradda Giriigga ee Crete bishii June, iyada oo kuwa ka badbaaday ay sheegeen in doonida ay kaso raaceen dalka Masar.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here