Faallo:-Geerida Maatida Gaalkacyo Ma Gorgortan Siyaasadeed Baa Xal Looga Dhigayaa

0

Magaalada Gaalkacyo Waxay Magaalo madax u tahay gobolka Mudug oo ka mid ah gobolada taariiq ahaan ugu faca weyn Gobolada Dalka waxaana gobolka Mudug ee Gaalkacyo ay xarunta u tahay uu udub dhaxaad iyo aas-aas u yahay gobolada dalka Soomaaliya oo waxaa uu isku xiraa gobolada Woqooyi bari,gobolada dhexe iyo Koonfurta Soomaaliya.

Gaalkacyo waxaa ay kulmisaa dadyoow kala duwan oo isugu jira dad deegaan ahaan kasoo jeeda Gobolka ay magaala madaxda u tahay ee Mudug iyo kuwa kale oo halkaa u tagay siyaabo kale oo iyaga u gaara haddana ka mid noqday dadka Magaalada daggan.

Meel kasto oo ay ku noolyihiin dad kala duwan waxaa ka dhigikara xaaladeeda Mid leh dagganaan iyo jawi wada noolaasho waa nabadda oo ah tiirka ugu horreeya ee helidda nolol wanaagsan oo aadanuhu uu ku waaro,haddii nabadda la waayana wayaabo badan baa la weynayaa oo nabad la’aani waa nolol la’aan baa hory loo yiri.

Magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan gobolka Mudug kuma badna waxyaabaha qayraadka dabiiciga ah sida Beeraha,Wabiyada,ila dhaqaale oo daqli badan uu kasoo xaroodo iyo waxyaabo kale oo keenikara isku dhaca dadka wada daga Magaalada sidaasoo ay tahay Gaalkacyo waxaa ay ka bixi la’dahay oo muddo badan kusoo noqnoqda colaado sokeeye oo wajiyo iyo aragtiyo kala duwan leh.

Marka la eego dagaalada ka dhacay Magaalada wixii ka horreeyey Sannaddii 2006 waxaa lagu macneynkaraa inay ahaayeen dagaallo beeleedyo u dhexeeyey beelo isku hayey waxyaabo ay ka mid ahaayeen dilal aanooyin qabiil ah oo Magaalada miigeeda ka dhacay oo maleeshiyaad isku geysteen balse sannadkaa wixii ka dambeeyey waxaa dagaaladu ay isku rogeen kuwa  siyaasadeysan oo la huwiyey shaar qabiil.

Hadda Magaalada Waxaa ka arimiya laba Maamul oo kala ah Puntland iyo Galmudug oo mid walbaahi uu sheeganaayo lahaanshaha iyo Maamulka Magaalada arintaan oo timid ka dib markii labada Maamul oo mid walba mar gooni ah la dhisay dastuurka uu qortay uu ku darsaday inuu Gaalkacyo leeyahay maamulkeeda taasi oo qilaafka siyaasadeed ee labada Maamul sii xoojisay,Tusaale Puntland oo la hor dhisay waxaa uu dastuurka u qoran dhigayaa Markii la eego gaalkacy in guud ahaan gobolka Mudug uu hoostago Maamulka Puntland,Sidaasi si la mid ah Maamulka Galmudug dastuurka u qoran ayaa dhigaya in xudduudka kala qaybiya Puntland iyo Galmudug uu yahay deegaanka Burtinle oo kala qaybiya gobolada Mudug iyo Nugaal,taasina waxaa ay abuurtay xiisad dagaal oo marba dhan loo rogo oo ka dhax aloosantay labda Maamul oo mid walba muhiimaddiisu ay tahay inuu noqdo mudanaha Magaalada.

Markaan wax yar dib u raacno dagaalada Gaalkacyo waa sax in markii hore ay ahaanjireen dagaallo u dhexeeya beelaha wada daga Magaalada iyo guud ahaan gobolka mudug oo soomaalidu waa ku caan dagaal beeleed meelay joogaanba balse midka Gaalkacyo waxaa uu hadda ku saleysanyahay Mid siyaasadeed oo masuuliyiin siyaasaddooda u rogay arin beeleed si dadku aysan u fahmin siyaasaddooda gurracan ayaa dad badani aaminsanyihiin inay ku lug leeyihiin xiisadda gaalkacyo oo dabka baasiin la dul taagan.

Dagaalkii ugu dameeyey ee ka dhacay gaalkacyo ayaa ka bilowday maxjar Puntland ay ku sheegtay in xoolaha lagu qalayo oo ay dhismihiisa ka bilowday galbeedka Gaalkacyo  taasina waxaa ka hor yimid oo ay u cuntamiweysay Masuuliyiinta Maamulka Galmudug dagaalkuna sidaa ayuu ku qarxay,sababtuna waxa weeye in Galmudug lahaanshaha dhulkaa ay sheeganeyso.

Dagaalka ka dhacay Gaalkacyo ayaa waxaa uu sababay qasaare leh baaxad dhinacyo badan leh sida Barakac dad rayid ah oo aan aqoon meelay ciirsadaan noloshooduna ay ku xirneyd ka qaraabashada magaalada,Burbur ku yimid dhismayaasha magaalada,inay xirmaan goobihii waxbarashada,caafimaadka iyo guud ahaan kaabayaashii adeegga bulshada iyo waliba wax walba oo nolosha aas aas u ahaa.

Xilligaan waxaa lagu jiraa xilli abaar ah oo kuleyl iyo harraad ba’ani uu ka jiro miiga dhaca duleedyada gaalkacyo oo ay dadkii naftooda kala baxsaday dagaalada u barakaceen,dadku ma haystaan meel ay ka galaan dhaxanta habeenkii iyo kuleylka jira maalintii,Hooyooyin baa iyagoo qaxaya umulay qaarkood waa xaamilo aan xamili karin xaaladda murugsan ee meesha ay ku barakaceen ka jirta, wax daawo iyo daryeel ah ma haystaan magaaladii ma aadi karaan oo daneystayaal danta maatada aan daneyneyn ayaa ku hardamaya,ma jirto cid u maciineysa dadkii daneyneyn lahaana waa kuwa dulmiyoo magaaladii ay ku noolaayeen daryeelna ay ku helilahaayeen ka barakiciyey ku darso waxaa shacabka laga galay godob kale oo ah in waxa ku dagaalamaya Gaalkacyo ay yihiin shacabkii magaalada wada dagganaa.

Madaxda Maamulada Puntland iyo Galmudug oo mid walba dantiisu ay tahay in mudanaha magaalada loogu yeero balse aysan ku jirin maankooda daneyn iyo daryeel shacab ayaa si cad mid kastaahi ugu baaqay dagaal iyo colaad hurin oo waxaa ay lasoo taaganyihiin hala dagaalamo,caruurtooda iyo xaasaskoodu kuma jiraan kuwa barakacaya ee dagaalka ay ku baaqayaan uu saameynayo oo waxa barakacaya waa kuwii daryeelkooda ay ku dhaarteen hooyo ayaa ku gablamaysa caruur baa rajo iyo agoon ku noqonaya miyey iloobeen dhaartii ay mareen oo maalin wax laga weydiindoono,sida muuqatana doorkoodu waxaa uu kusoo koobmay hurinta colaadda iyo kala fogeynta shacabka walaalaha ah oo dano siyaasadeed colaad looga dhax abuurayo.

Dadaal walba oo lagu doono nabadda magaalada iyo wada jirka shacabka cidda ugu horreysa ee ay ka soconweyneyso waa madaxda Labada Maamul  oo danahooda gaarka ah ka waayey xalka iyo nabadda  markii wax dhacaanna warbaahinta ayey eedeyn isku mariyaan mid walbana waxaa uu sheegaa in dhinaca kale ay ka soconweysay howshu,dhawr mar ayeyna dhacday inay hor istaagaan madaxda labada maamul waanwaan ay odayaal garwadeen ka ahaayeen oo ay ugu dambeeysay xabad joojin ay soo jeediyeen odayaasha magaalada ku nool bilowgii xiisadda hadda jidha,dad baa dhimanaya oo maydkoodu daadsanyahay dariiqyada dan kama lahan oo colaadbay u durbaan tumayaan,waan_waantu waa u fursad mid kasta nabadda shacabkayna ku gorgortamaan.

Kaalintii dowladda Federalka ayaa kusoo koobantay Cambaareyn iyo baaq aan ficil iyo horu socod lahayn oo maqalkiisu dadku aynan xiisa u qabin markii hadalka dowladda la maqlo xaalku waa uu sii xumaadaa maadaama garabyada is haya ay dowladda ku eedeeyeen inay dhan la safantahay waxaana hadalkaasi uu meesha ka saarayaa doorkii dowladdu ay ku wajahi lahayd daminta colaadda,dadka qaarna waxay aaminsanyihiin dowladdu inay ka adagtahay baaq diridda balse aysan u bisleyn qudheedu samata bixinta iyo gargaaridda dadkii dambiilayaasha ay baaqa u direyso barakaca iyo dayaca badeen oo dhawaan waa tii dowladdu ay sheegtay in ciidamo kala dhaxgala maleeshiyaadka dagaalamaya la geynaayo Gaalkacyo hadalkaana habeenkii la sheegaa u dambeysay.

Gaalkacyo Nabadeedu waxaa ay ka socon la’dahay waa Madaxda Maamulada Puntland iyo Galmudug oo gorgortan galiyey nabadda Magaalada iyo shacabka ku nool walina waxaa ay kusii baaqayaan dagaal oo Cadaado iyo garoowe oo mid walbaahi ay 100 KM ugu yaraan Gaalkacyo u jirto ayey Colaad hurinta ka wadaan safarro iyo daalxiis u gaarana waa ay u dheeryihiin oo danahooday ka wataan Maatida Maydkoodu magaalada iyo duleedkeedaba daadsanyahay.

Yaa U maqan shacabka Gaalkacyo oo noqday dhari labada dhinac ka gubanaya,Noloshoodu ma rafaad iyo barakac ku jirbaa, Silic iyo saxariir ayaa haysata hooyo iyo dhallaan aan is dhaamin aadna u dhibaatoonaya oo nabaddii ay u baahnaayeen baa gorgotan loogu jiraa,xalkii loo raadshana waa la diidaa.

Aragtida qodobada lagu qaboojinkaro Xiisadda gaalkacyo ayaa waxaa ka mid ah ogaanshaha wax la isku haysto ee dagaalku ku saleysanyahay,in la sameeyo guddi isku dhaf ah oo kasoo tala bixiya wada daganaanta shacabka,in magaaladu ay noqoto goob ka caaggan Ciidamada iyo waliba dagaal hurinta,in lakala madaxbanaaneeyo danaha shacabka iyo rabitaanka siyaasiyiinta iyo danahooda gaarka iyo qodobo kale.Talooy lagu tilmaamye yaa ku taabba galin.

Gafka iyo Godobtaad geysato waa lagaa goyn Faalladana soo Gunaanadaye

Geerida Maatida Gaalkacyo Ma Gorgortan Baa Xal looga dhigayaa Waa Su’aal maankayga gubtay

WQ:- Wariye Maxamed Cabdi Xasan (iidle)

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here