Feysal Waraabe:-“Reer Mudug Waxaan Leenahay, Galmudug iyo Puntland Ma Naqaan ee idinka Xaliya Colaada”,

0

Injineer Feysal Cali Waraabe oo ah Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ee Maamulka Somali-land ayaa warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ee Caasimada Maamulkaas ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo xoojiyo dagaalada maalmihii dambe ka socday Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ee Maamulka Somali-land  Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay Colaada Gaalkacyo in loo baahan yahay xalinteeda in laga shaqeeyo, isaga oo fariin ahaan  Maamulada Galmudug iyo Puntland ugu diray.

“Reer Mudug waxaan leenahay, Galmudug iyo Puntland ma naqaanee reer Mudug baad tihiine, Gaalkacayo Qudus maaha, Kashmiir maaha, waa Gaalkacayo oo waa la wada leeyahay, waa lagu wada dhaqnaa xad ha u kala sameynina macquul maaha xadbaa loo kala sameynayaaye isku daya inaad nabadda ka shaqeysaan inan iyo abtigii ayaad isku tihiine”.

Dadkii ku noolaa Magaalada Gaalkacyo  ee xarunta Gobolka Mudug ayaa intooda badan isaga barakacay Magaaladaas cabsi ay ka qabaan waxyeelo kasoo gaarta hubka culus  ay isweedaarsanayaan labada Ciidan.

Warbixin kasoo baxday Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan isku xirka Bani’aadanimada OCHA  ayaa lagu shaaciyay in kumaam kun ee shacab ah ay ku barakaceen colaada ka jirta Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ee u dhaxaysa maamulada Puntland iyo Galmudug.

Tiro lagu qiyaasay 50,000 oo qof , oo shacab ah ayaa  la shaaciyay in ay ka barakaceen Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug oo maalmihii aynu soo dhaafnay ay ku dagaalameen Ciidamo kala taabacsan maamulada Puntland iyo Galmudug.

Dhanka kale Dowladda Federaalka  Soomaliya ayaa ku Howlan xalinta Colaada Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here