Haweeney kamid Aheyd Shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo Dharkinley Lagu Dilay

0

 

Kooxo Hubeysan ayaa saakay Gudaha Degmada Dharkinley ee Gobolka Banaadir waxa ay ku dileen Haweeney kamid aheyd shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha aadan cadde eeMagaalada Muqdisho.

Haweeneydan oo magaceeda lagu soo gaabiyey Faa’iza ayaa lagu dilay nawaaxiga halka loo yaqaano Tabakaayo madow oo ka tirsan degmada Dharkeynley wax yar ka dib markii ay ka soo baxday hoygeeda kuna soo sheegtay goobteeda shaqada.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Haweeneydaan ay kamid aheyd waaxda Nadaafadda Xafiisyada laanta socdaalka iyo jinsiyadaha uu ku leeyahay garoonka Aadan cadde ee Magaalada Muqdisho.

Dilka kadib Ciidamo ka tirsan Kuwa dowladda Soomaliya ayaa soo gaaray goobta uu dilka ka dhacay waxaana kooxdii dilka geysatay u suurta gashay in ay goobta isaga baxsadaan.

Dhowr jeer oo hore degmada Dharkinley  ee Gobolka Banaadir waxaa ka dhacay dilal qorshaysan oo loo geystay shaqsiyaad dowladda Soomaliya ka Tirsan iyo dad shacab ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here