Faah-faahin:-Ciidamadii La Wareegay Xarunta Shirka ee Magaalada Jowhar oo Isaga Baxay

0

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee Caasimada Maamulka Hir-shabeelle ayaa ku waramaya in Ciidamo ka Tirsan kuwa Malatariga Dowladda Soomaliya oo saacado kooban la wareegay xarunta shirka ee Magaaladaas in ay isaga baxeen galabta.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada ay isaga baxeen wadooyinka laga soo galo xarunta shirkada Farjano ee Magaalada Jowhar  oo uu shirka maamul u sameynta uu ka socdo, Illaa iyo hadda lama oga cidda ka dambeysay in ciidamadaan ay xiraan hoolka shirarka ee magaalada Jowhar ee Caasimada Maamulka Hir-shabeelle.

Mid kamid ah Musharixiinta u taagan Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Hir-shabeelle ayaa la tilmamayaa in uu ka ku amray Ciidamadaan in ay la wareegeen xarunta Shirka.

Cali Xasan Taakow  oo kamid ah musharixiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle oo shir jaraaid ku qabtay Magaalada Jowhar  ayaa ku eedeeyay madaxda dowladda soomaliya in ay fara-galin ku hayaan doorashada Hirshabeelle,  isagoo sheegay in Musharaxiin Madaxweyne kuxigeen-ka ka yimid  ka tagay Magaalada Muqdisho lagu wargeliyay inay isaga soo baxaan shirka oo aanay is sharixi karin.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here