Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo ah Raisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa galinkii dambe ee maanta ka degay Magaalada Cadaado iyadoona faah-faahino ay kasoo baxayaan ujeedka socdaal ee uu magaaladaasi u gaaray.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo soo dhaweeyey Raisul Wasaare Sharma’arke ayaa sheegay in xili uu warfidiyeenka uu kula hadlay Magaalada Cadaado in Maamulka Galmudug uu soo dhaweynayo xalinta nabadeed ee uu Raisul Wasaaraha u tagay magaaladaaasi.
Madaxweyne guuleed ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in dadka Magaalada Gaalkacyo eek u kala hoos nool maamulada Galmudug iyo Puntland ay helaan nabad iyo xasilooni ay kuwada nooladaan.
Waa uu sii hadlay waxa uuna shaaciyey madaxweynaha Maamulka Galmudug C/Kariin Xuseen Guuleed in dhankooda ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada xalinta khilaafaadka ka taagan G/Mudug.
Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo dhankiisa warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu u dulqaadan waayey dagaalada u dhaceeyo maamulada Galmudug iyo Puntland sidaa awgeedne uu goostay in uu waan-waan ka dhex bilaabo labada maamul.
Magaalada Gaalkacyo waxaa mudooyinkaani ku dagaalamaye Maleeshiyaad iyo ciidamo ka amar qaata maamulada Galmudug iyo Puntland iyadoona inta dagaaladaasi ay socdeen ay ku nafwaayeen in ka badan 15-ruux waxaana sidoo kale Magaalada isaga barakacay dadkii degenaa.
Maamulka Puntland ayaa sheegay in Magaalada Gaalkacyo ay kula dagaalamayaan ciidamo isugu jiro, Galmudug, Dowlad iyo Al-Shabaab oo isku dhinac ah halka Galmudug ay iyane Puntland ku eedeysay in ay hurineyso colaad Gaalkacyo duulaane ay kusoo qaadeen.

