Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka magaalada gaalkacyo ee gobolka mudug ee puntladn ayaa maanta booqday xarunta maxjarka xoolaha ee dhimihiisa puntladn ay wado bal;se labada maamul ay isku hayaan.
Maxamuud yaasiin Yumey oo ah duqa magaalada gaalkacyo ee puntladn oo ka mid aha mas’uuliyiinta goobta gaartay ayaa sheegay in dhimaha xaruntaan uu soconayo islamarkana aysan joojin doonin puntland waxkasta oo kala soo gudboonaada.
Tumey ayaa waxa uu sheegay in galmudug ay ka soo horjeedo hormarka magaalada gaalkacyo isagoona carabaabay in dagaalka magaalada ka socdo ay galmudug mas’uul ka tahay.





